Monday, Feb 8, 2010 3:21AM / Members only
waa cudur jacaylku
waa culay ibleysaan
wadka laga cidaadine
cantar binaashe daadiyoo
cilmu siduu u galayee
uu qays cidlada dhigay
markuu culimadii dilay
inuu dumarka ciijo
cidhibtooda wada tiray
kuu cadeeyey aniguye
miyaad caawa moogtahay
ciidmagalaha ciidiyo
cawshiyo ugaadhiyo
geelu caray caymaday
dhul caraacan badaney
ceegaagto gocandhadu
cidhiidh kulul ku celiyee
carcaaraf inaan maray
aanan ciil la ledi karin
aawadaa cadibanahay
kuu cadeeyey aniguye
miyaad caawa moogtahay
caalyahanka dunida
cidi kuma ilwaartee
hadii uu cuskado mawd
nabsi waa cawaanoo
waa col iyo gulufoo
cidla kuma dhaxaayee
ceeriyaan sideedii
inuu cudurku kuu dhuuman
cimrigaaga yaasirin
kuu cadeeyey aniguye
miyaad caawa moogtahay
Add a comment